Arday Turkiga loo qaaday oo Tababar loo bilaabay iyo Gabdho Xijaabka sharciga ah loo diiday (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netDhalinyaro dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho oo loo sheegay in Waxbarasho ay ka helayaan dowladda Turkiga ayaa dhibaatooyin kala duwan ka sheeganaya.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Anqara iyo Istanbul ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay ku mashquulsantahay qaabkii ay tababarada ugu furi laheyd dhalinyarada Soomaalida ee dalkeeda lageeyay.

Dowladda Turkiga ayaa Gabdho Xijaabnaa ku amartay in ay dhigaan Xijaabka haddii kale talaab laga qaadi doono, mid kamida gabdhaha Turkiga loo geeyay Waxbarasho ayaa sheegtay in markii ay Garoonka diyaaradaha ka degeen amar lagu siiyay in ay dhigaan Xijaabka Sharciga ah oo ay ku labisnaayeen.

Saraakiisha Atraakta ayaa gabdhaha Soomaalida u qeybiyay Surwaallo iyo shaatiyaal waxaana loo sheegay in ay madaxa Qamaar saaran karaan balse aysan Xijaabka weyn ee lalaad-laadiyo xiran karin arrinkaasi oo ah dhaqan xumo ay dowladu kula dhaqmayso gabdhaha lakhalday ee Turkiga lageeyay.

Dhalinyarada Soomaalida ayaa iyana loo sheegay in inta aysan waxbarashada bilaabin ka hor mari doonaan Hal Sano oo Tababar Caskari iyo Sirdoon wixii xiligaasi ka dambeeyana ay waxbarashadu bilaaban doonto.

Waxaa jira Ilma aan weli qaan gaarin oo Turkiga lageeyay kuwaasina waxaa lageeyay Kuleejooyin ay gacanta ku hayaan Mu'asasaadka Tukirsh ah waxaana tacliinta looga bilaabay meel hoose kuwaasi lama oga in ay tababar geli doonaan iyo inkale.

Shaki badan ayaa laga muujinayaa qorshahan sida qarsoodida ah ku socda ,DKMG ah ayaa dowladda Turkiga kula heshiisay in dhalinyaro badan oo Jawaasiis ah ay tababar usoo siiso si ay usoo bartaan qaabka wax loo dhagro.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay uga digtay in ubadka Soomaaliya lagu khaldo waxbarasho ay cadawgu u dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

By Eng.Khaliif Muumin