Malaayiin Libiyaan ah oo iska dhaadhacsiiyay in Nidaamkii Alqadaafi soo laabtay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netMalaayiin shacab Liibiyaan ah ayay layaab ku noqotay in uu hawada dib ugusoo laabto Telefeshinkii ku hadli jiray Afka xukuumaddii daaguutka Liibiya ee lariday.

Waxaa Hawada soo galay Telefeshinka Aljamaahiiriya oo muddo kabadan 40 sanadood ay dhanka warfaafinta u isticmaali jirtay xukuumaddii Ridada Alqadaafi.

Waxay aheyd xilli Duhur ah markii shacabka ku dhaqan magaalada Daraabulis daawadeen Telefeshinkii alqadaafi oo baahinaya Muuqaallo horay looga duubay alqadaafi xiligii uu dagaalka kula jiray Kacdoon wadayaasha.

Dadka qaar ayaa baqay oo mooday in Alqadaafi soo laabtay halka kuwa kale ay bilaabeen in ay ku xaroodaan guryahooda iyagoo mooday in talada uu kusoo laabtay Nidaamkii Alqadaafi.

Markii Khalkhalka ku batay shacabka Liibiya oo ku jiha wareeray telefeshinka Aljamaahiiriya ayay xoogaga Kacdoon wadayaasha Liibiya war kasoo saareen arrinta soo korortay.

Cabdalla Naakir oo kamid ah hogaamiyaasha ugu awoodda badan saaxada dagaalka Liibiya ayaa xukuumadda Masar ugu hanjabay in uu talaab ka qaadi doono haddii ay si degdeg ah shaqada uga joojin weyso Telefeshinka Alqadaafi.

Naakir oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Daraabulis wuxuu ku goodiyay in ciidankiisu xoog ku geli doonaan safaaradda Masar ee Daraabulis islamarkaana ay ciidan xoojin ah geyn doonaan xadka ay lawadaagaan Masar.

"Masar waxaan ugu baaqaynaa in ay Dayac Gacmeedka Nile Site-ka ka joojiso Telefeshinka Aljamaahiiriya ee cabsida ku abuuray shacabka Liibiya haddii ay sidaasi sameyn weyso talaab ayaan qaadi doonaa"ayuu yiri Naakir.

Ganacsato taageerayaal u ahaa nidaamkii alqadaafi ayaa larumeysanyahay in ay lacag farabadan ku bixiyeen dhismaha Telefeshinkan.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy