Warbaahinta Mareykanka oo ku tumatay Komaandoosta Faransiiska.

Written by gobal on .

Warbaahinada Mareykanka ayaa fadeexeystay Komaandoosta Faransiiska ee ku fashilmay weerarkii ay ku soo qaadeen degmada Buula-Mareer, iyadoona warbaahinadaasi qaar ay daabaceen meydka sarkaalka Faransiiska ee shalay Mujaahidiintu ay ku soo bandhigeen barta Twitter-ka.


Shabakadaha ugu afka dheer Mareykanka ee CNN, ABCNEWS, CBSNEWS iyo Global Post ayaa ku tilmaamay weerarkii Komaandoosta Faransiiska mid fashilmay, waxeyna sheegeen in fashilka weerarka ay ka sii xun tahay askartii howlgalka qaaday oo dhimasho iyo dhaawac noqday iyadoona gacanta Al-Shabaab ay ku hareen askar meydad ah.


Xeeldheerayaal ay wareysanayeen ayaa shaki gelinayay awoodda Ciidamadaas ku fashilmay weerarka, iyagoo halkii ay karti u qiri lahaayeen Mujaahidiinta door biday in ay fashalka dhacay dusha u saaran cilado farsamo oo soo wajahay ciidamadii dagaalka qaaday.


Shabakadda CBSNEWS ayaa si rasmi ah u soo daabacday sawirka meydka sarkaalka Faransiiska, waxaana dad aqristay shakabadda oo warcelino ka dhiibay ay difaaceen in meydka la faafiyo maadaama reer galbeedku qudhooda aysan ixtiraamin meydadka Mujaahidiinta.


"Soomaalidu aad bey uga ilbaxsan yihiin meydadka in ay ku kaadiyaan" ayuu ku waceliyay nin difaacayay sawirrada la daabacay, wuxuuna hadalkaas ku weerarayay Ciidamada Mareykanka ee la daawaday iyagoo ku dul kaadinaya Shuhadada Mujaahidiinta Daalibaan ee dalka Afghanistan.


Warbaahinada Faransiiska ayaa ku fadeexoobay arrinkan iyadoo todobaadkan wararka ugu badan ee wakaaladahu ku tartamaan ay noqdeen jabka Faransiiska ee Maali iyo Soomaaliya, manaba ku sii jirin dalka Maali oo diyaarado looga soo riday, laguna dilay Saraakiil sar sare.


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shalay warqad uu u diray Golayaasha Mareykanka ku sheegay in Ciidamo Mareykan ah ay si xadidan kaga qeybgaleen weerarka fashilmay, balse Obama wuxuu ku daray in askarta Mareykanka ay dib u soo laabteen iyagoo bad qaba.


Afhayeenka Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max'uud Raage oo shalay shir jaraa'id qabtay ayaa tilmaamay kibirkii ay ku soo duulaan tageen Faransiisku inuu keenay meydadkoodii oo ay qaadan waayeen, isagoona Alle uga mahad celiyay guusha ay gaareen Mujaahidiinta.


Waxaa wali la sugayaa in la shaaciyo go'aankii Mujaahidiintu ay ka qaateen Dennis Allex oo ah sarkaal ka tirsanaa sirdoonka DGSE ee Faransiiska, kaas oo hore gacanta ugu jiray Mujaahidiinta, iyado laga yaabo nolol ama geeri in la shaaciyo saacadaha soo socda.