General Wamala "Maamulka DF waa sidii canug naas nuug ah oo caawimaad waliba u baahan"
Taliska Ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya kaga jira dagaalka ay wakaalka uga yihiin reer galbeedka ayaa ka sheeganaya dhaqaalo la'aan, mooraal jab iyo mandate-kooda oo dhacaya 2 bilood ka dib, waxaana ay ka dalbadeen reer galbeedka si deg deg ah arrimahaasi in loo xaliyo.
Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda General Katumba Wamala oo socdaal kormeer ah ku tagay Soomaaliya ayaa baaq ugu diray dawladaha markii hore sameeyay mashruuca "AMISOM" in ay wax ka qabtaan arrimaha hadda taagan oo la dardar geliyo waxa uu ugu yeeray nabadeynta Soomaaliya.
Maamulka DF iyo maleeshiyaadkooda mooryaanta ah ayuu ku sheegay General Wamala in ay yihiin caruur hadda soo koreysa oo naas nuugmo ku jirta, sidaa darteed ay xaalad adag geli doonaan haddii la waayo taageerada loo soo marsiinayo ciidamada Afrikaanka.
"Soomaalia (Maamulka DF) waa sidii canug naas nuug ah, waxey isaga baahan tahay wax waliba oo caawimaad ah" ayuu yiri taliyaha Ciidamada Lugta Uganda ee soo booqday Soomaaliya.
Ciidamada Afrikaanta ayaa Boolis iyo Milatari u ah Maamulka DF, halka reer galbeedkuna ay heystaan dhanka sirdoonka, taas oo muujineysa maamulka Xasan Sheekh inuu yahay mid liita oo midab Soomaali xittaa aan laheyn.
Generalka Ugaandheeska ayaa sidoo kale sheegay socdaalkiisu inuu muhim ahaa dhiira gelinta ciidamada Uganda ee hogaaminaya howlgalka dhiig-dhaqaale ku badalashada ee ku keenay dalalka Afrikaaku in Soomaaliya ay ka dagaallamaan iyagoo ka wakiil ah reer galbeedka ku soo yaabay dagaallada Ciraq iyo Afghanitsan.
