Shirkadda NATIONLINK Oo Hawada Dib Ugusoo Laabatay iyo Raali Gelin Loo diray Macaamiisha shirkadda "Warsaxaafadeed".
Shirkadda Isgaarsiinta NATIONLIK oo kamid ah shirkadaha Taleefanada Bixiya Ee Soomaaliya ayaa Hawada dib ugusoo laabatay kadib maalmo ay hawada ka maqneed.
Mas'uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in cilad farsamo si lama filaan ah u asiibtay shirkadda ay sababtay in ay joogsadaan adeegyadii isgaarsiineed oo ay bulshada u heysay,bayaan kasoo baxay NATIONLINK oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa lagu faah faahiyay sababta ay shirkaddu hawada uga baxday.
WAR-SAXAAFADEED,Date:15/01/2013
UJEEDDO: RAALI GELIN
Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink Waxay Macaamiisheeda sharafta leh ee isticmaasha Adeega GSM-ka ka raali-gelineysaa Ciladii Farsamo ee ku timid GSM-ka shirkadda Qeybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya .
Ciladaasoo aheyd mid si lama filaan ah ku dhacday haddana la xaliyey, Taasoo sababtay in ay macaamiisha qaaliga ah ee shirkadu waayaan adeega GSM-ka .
Nationlink Waxay u mahad-celineysaa Dhamaan macaamiisheeda sharafta leh sida ay ugu Dulqaateen xiligii ay shirkadu ku howlaneyd xalinta ciladaas.
WABILAAHI TOWFIIQ

Cumar Sugulle
said:
|
Shacab shirkadda way ku mahadsanthay inay noo soo gudbisay warsaxaaafadeedkan nagana raali galisay, way ku mahadsanthay sida ay noola socodsiisay jazaakaLLAAH. |
Cumar Sugulle
said:
|
Shacab shirkadda way ku mahadsanthay inay noo soo gudbisay warsaxaaafadeedkan nagana raali galisay, way ku mahadsanthay sida ay noola socodsiisay jazaakaLLAAH. |
abuayuub
said:
|
firad kale shirkadan wayahan danbaba waxaa haystay dhibaato. waxaana siii yaraanay macaamiisha isticmaasha |

