AMISOM Oo Shacab ku Xasuuqday Deegaanka Leego (Dhageyso).
Ciidamada Gumeysiga AMISOM ayaa maanta dad shacab ah iyo Xoolo ku Xasuuqay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah meelaha ay cadawgu ku duuleen.
Maanta duhurkii ayay ciidamada AMISOM isku magacaabay laayaan xoolo nool iyo shacab muslimiin ah,goob joogayaal ayaa sheegay in dhimashadu ka badantahay 7 qof dhaawacuna 6 qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka cadawga ay dhaxdooda iska shakiyeen kadibna ay is rasaaseeyeen waxaana jirtay in madaafiic culus ay ku garaaceen dhulka Baadiyaha ah taasi oo keentay in xoolo nool iyo dhaqanayay dhintaan.
Cadawga Afrikaanta ah oo ku caan baxay Xasuuqa shacabka ku dhaqan magaalooyinka ayaa hadda utafa xeytay dadka xoola dhaqatada ah.
Halkan ka dhagayso Goob Jooge Leego ku sugan MP3
