Dhagayso:Xarakada SHM Oo Baaq Dhiiri gelin ah U dirtay Shacabka Maali.

Written by Maamul on .

somalimemo.netXarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka muslimiinta Maali iyo xoogaga mujaahidiinta ku adkeysay la dagaalanka Gumeystaha Faransiiska ee doonaya in uu gumeysi hor leh geliyo wadankaasi.


Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka SHM oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Faransiisku ka shalaayi doono duulaanka ay ku qaadeen wadanka Maali.


"Dagaal aad muslimiinta ku qaadaan guul ka keeni meysaan waxaan leenahay Faransiiska qaatay islaamka ama ku hoos noolaada".



Mas'uulkan katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa ugu baaqay muslimiinta Maali in ay adkeystaan oo ay cadawga lasabartamaan, warkan dhiiri gelinta ah ee kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Faransiiska ay duulaan ku qaaday wadanka Maali ee dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika.




Halkan ka dhagayso Kalimadda Sh.Cali Dheere MP3