Sarkaalkii Faransiiska oo dil lagu xukumay.(WARSAXAAFADEED)
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaacisay in go'aan aan ka noqosho laheyn lagu gaaray in la dilo Sarkaalka sirdoonka Faransiiska ee Dennis Allex kaas oo gacanta ay ku hayeen Mujaahidiinta tan iyo bishii July ee sanaddii 2009-kii, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan goor dhaw lagu faafiyay barta Tiwitter-ka @HSMPress Office.
Bayaanka Mujaahidiinta ayaa intaasi ku daray in maamulka Faransiiska uu ku qamaaray noloshii Allex isla markaana ay muujineyso sida ay xukuumadda Farancois Holland aysan waxba uga soo qaadin dhiigga muwaadiniinta Faransiiska.
"Mujaahidiinta ayaa go'aankan gaaray ka dib muddo 3 sanadood ah oo ay gacanta ku hayeen Dennis Allex, dadaal buuxana lagu bixiyay wadahadal in lagu dhameeyo arrinka, balse Faransiiska ayaa laba wajileyn ku dhaqmayay mudadaasi, sidaas oo ay tahayna maaheyn kaliya iney qiyaanayeen Mujaahidiinta balse waxey ku qamaarayeen nolosha Allex" sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka Mujaahidiinta.
Bayaanka ka soo baxay Xarakada ayaa meesha ka saaray hadallo saraakiisha Faransiiska ay ku sheegeen in go'aanka weerarka fashilmay ay gaareen ka dib markii wadahadalkii ay la lahaayeen Mujaahidiinta uu fashilmay, waxaana lagu sheegay bayaanka in xiriirkii u danbeeyay ee Mujaahidiinta iyo Faransiiska uu ahaa hal todobaad ka hor weerarkii Buula Mareer, iyadoona Faransiisku uu waqtigaas dalbanayay fursad dheeraad ah in la siiyo balse laga warqabay dhagartii ay maleegayeen.
Muuqaal Hore Ee Allex/Al-kata'ib Media
"Ka dib isku daygii badaadinta ee fashilmay, Faransiisku waxey sidaasi dhimasho ugu xukumeen Allex, ka dib fashilkoodii "Le Drian" (Wasiirka Gaashaan dhigga Faransiiska) wuu ka warqabay warcelinta ugu haboon ee khiyaanadoodu iney tahay dilka Allex, balse isaga aya ka sii hordhacay oo sheegay Allex in la dilay xittaa iyadoo uu nool yahay oo meel aamin ah lagu hayo" sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka Mujaahidiinta ayaan sheegin qaabka loo fulinayo xukunka dilka ah iyo waqtiga uu dhacayo, balse waxaan shaki ku jirin in Sarkaalka Faransiiska uu la kulmayo ciqaabtii ay ku riday xukuumaddiisa.
SomaliMeMo,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
