Dhageyso: Ganacsatada X/weyne Oo Ka Cabanaya Burburin Lagu Hayo Goobahooda Ganacsiga.

Written by Maamul on .

somalimemo.netGanacsatada degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaysa dhibaata xoogan oo ay kala kulmayaan maleeshiyaadka DF-ka iyo maamulka gobolka Banaadir.


Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xoog ku burburiyay goobo ganacsi oo Xamarweyne ku yaal iyagoo ku andacoonaya in ay furayaan waddooyinka Suuqa si looga hortago khataraha.


Qaar kamid ah ganacsatada oo warbaahinta Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in Lacago Laaluush ah laga qaaday ganacsatada qaar oo goobahooda ganacsiga aan la burburin halka dadka danyarta ay goobahoodi ganacsiga dhulka lala simay.


Sidoo kale kooxo burcad ah oo wata magaca DF-ka ayaa xiliyada habeenkii ah jabsada dukaamada ganacsiga, dhibaatooyinka dhanka ammaanka ee Xamarweyne ayaa soo laa-laabtay mana muuqata cid wax ka qabanaysa.



Halkan ka dhagayso Shacabka oo cabanaya MP3



SomaliMeMo,Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it