Faransiiska Oo Wadamada Khliijka Ugu Baryootamaya "Naga Caawiya Dhaqaalaha Ku Baxaya Duulaanka Maali".
Dowladda Kirishtanka Faransiiska ayaa ka walaacsan xaaladda wadanka Maali oo ay duulaan gaaleed ku qaaday, mas'uuliyiin u hadashay dowlada Faransiiska ayaa sheegay in dhaqaale xumo baahsan ay caqabad ku tahay duulaanka lagu qaaday wadanka Maali.
Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Looran Faabiyoos ayaa wadamada Khaliijka dabadhilifyada ka codsaday in ay dhaqaale ugu deeqaan Faransiiska si uu waqooyiga Maali uga sifeeyo mujaahidiinta sharciga islaamka kusoo rogay Maali inteeda badan.
Madaxda dalka Faransiiska ayaa wadamada Khaliijka ka wada Ol Ole dhaqaale aruurin ah,madaxweynaha Faransiiska ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka carabta wuxuuna codsaday in wadankiisa dhaqaale lagu caawiyo.
Xukaamta dabadhilifyada khaliijka ayaa lafilayaa in ay dhaqaale ku bixiyaan duulaanka Faransiiska sidii horay looga bartay iyagoo mareykanka lacago ku taageeray duulaanadii uu Ciraaq ku qaaday.
Faransiiska ayaa kamid ah wadamada ay saameynta ku yeelatay dhibaatada dhanka maaliyadda ee ku habsatay wadamada qaaradda Yurub.
Dhinaca kale baarlamaanka wadanka Faransiiska ayaa magaalada Paris uga dhawaaqay in xukuumadda waxa laga weydiin doono duullaanka ay ku qaaday wadanka Maali.
SomaliMeMo,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
