DAAWO:Nidaamka Suuriya Oo Xasuuqay Ardayda Jaamacadda Xalab iyo Jabhadda Al-nusrah Oo Howlgallo Adag Fulisay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netFaah Fahainno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa xasuuq daran oo ay ciidamada Bashaar Al-asad shalay ka gaysteen goob waxbarasho oo ku talla magaalada Xalab.


Duqeyn ay diyuuradaha dagaalka dowlada suuriya ka geysteen jaamacadda magaalada Xalab waxaa ku dhintay 82 qof oo badankood ay yihiin ardayda waxkabarata jamaacadda magaaladaasi Xalab.



Goob joogayaal ayaa sheegay in diyuuradaha Miigaga ay dhowr gantaal laheleen dhismaha jaamacadda waxaana la arkayay dhismaha jaamacadda oo burburay iyo meydadka ardayda oo ku firiray darbiyada.


Dhaqaatiirta isbitaalada Xalab ayaa soo sheegay in dhaawacyada qaar ay aad u liitaan waxaana dhici karta in dhimashada shacabka ay saacad walba sii kororto.



Tani ayaa ka mid ah gowraca naxariis darada ah oo ay cadawga Nuseyriyadda ah u geysanayaan shacabka muslimiinta, dhinaca kale mujaahidiinta Jabhadda Al-nusrah Li Ahli shaam ayaa bilaabay in ay hareereeyaan garoonka diyuuradaha Milleteriga Guweyris oo dhaca duleedka magaalada Xalab.



Wariye katirsan Telefeshinka Al Jazeera ayaa booqday hareeraha garoonka oo ay katiibooyin katirsan mujaahidiinta hareereyn ku hayaan,Abul Xasan oo ah qaa'id meydaani ah "Hogaamiye Goobeed", ayaa Al Jazeera u sheegay in mujaahidiintu ay cadawga u diideen in ay diyuuradaha dagaalka kasoo dejiyaan garoonka ayna ka duulaan mas'uuliyiinta Jabhadda ayaa ugu baaqay askarta iyo ciidanka gudaha garoonka ku hareereysan in ay isisoo dhiibaan inta uusan waqtigu ku dhicin.



Halkan ka Daawo Jabhadda Al-Nusrah oo Go'doomin ku heysa Madaarka


SomaliMeMo,Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it