Dawladda Kenya iyo dalalka reer galbeedka oo isku mari la' dhaqaalaha dagaalka Soomaaliya.

Written by gobal on .

Dawladda Kenya oo ka mid ah dawladaha ugu musuq maasuqa badan dawladaha Afrikaanka ayaa dood kulul ka keentay waxa ay ugu yeertay meer meeris ay kula dhaqmayaan dawladaha fan gareeya dagaalka Soomaaliya kuwaas oo Kenya kaga baxay ballamo ay hore uga qaadeen.


Shir xasaasi ah oo ay yeesheen Golaha wasiirada Kenya ayaa laga soo qeybgaliyay madaxweynaha dalkaasi iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood ka arrinsanayay mashaakilka Kenyaatiga ka heysta taakuladaciidanka iyo maalgelinta duulaankooda.


Shirka oo dood adag lagu hordhigay xukuumadda ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasiirka gaashaan dhigga Kenya Yuusuf Xaaji oo ka hadlay xaaladaha ciidamadooda jooga Soomaaliya iyo cawaaqib xumidii ay ka dhaxleen duulaankooda Soomaaliya.


Dawladda Kenya ayaa sheeganeysa 11 Bilyan oo Shilinka Kenyaatiga ah oo magdhow ahaan ay u doonayeen in ay ka heleen oo qura 2.5 Bilyan oo Shilinka Kenyaatiga ah arrinkaas oo ay ku sheegeen madaxda Kenya mid aan la aqbali karin.


Danjiraha Kenya u fadhiya QM ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay fadhi uu lahaa Golaha Amaanka wuxuu ka cadeeyay in Kenya aaney sii wadi karin dagaalka Soomaaliya haddii aaney helin dhaqaalihii loo ballan qaaday kuwaas oo uu sheegay in ay lagama maarmaan u yihiin qalabeynta ciidamada iyo xaqiijinta amaanka.


Dawladda Kenya inkastoo la wada ogaa in qaraarkii ay ku soo gashay Soomaaliya aysan iyadu laheyn hadane waxey isku dayday in dadka Soomaaliyeed ay ku qalado waxa ay ugu yeertay ilaalinta amaanka dalkeeda, balse iminka ay guranayaan miraha qaraar ee duulaankooda.

Comments (1)add comment

adan said:

0
salan
waxaan salamayaa mujaahidiinta meelkasta oo ay joogan.......inta kadib waxaan joogaa east afric wadan ka mid markaas waxaan donayaa inaan
imaado saxaadka jihaadka somalia............fadlan waxaad iga cawisaan qaabkii aan u soo bixi lahaa........idinka oo warka igu soo dirayaa
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
bilaahi towfiiq
January 25, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy