Muxuu Salka Ku Hayaa Socdaalka Xasan Sheekh Ee Wadanka Itoobiya?
Hoggaamiyaha DF-ka ayaa maanta u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu kulamo kulasoo qaadan doono R/wasaaraha wadankaasi iyo saraakiisha ugu sareysa ciidanka Itoobiya.
Socdaalka Xasan Sheekh ayaa yimid kadib amar uga yimid madaxda Itoobiya waxaana la sheegay in lagala hadli doono arrimo ku aadan duulaanka ay Itoobiya kusoo qaadday Soomaaliya.
Ilo wareedyo laga helay Addis ayaa sheegaya in hogaamiyaha Itoobiya uu Xasan Sheekh ku wargelin doono in ciidanka Xabashida isaga baxayaan gobolada Bay,Bakool iyo magaalada B/weyne.
Warar kale ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay Xasan Sheekh ku qanci doonto ogolaashiyaha maamul uu gobalada Bay iyo Bakool ka abaabulayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah dabadhilif ay isku dhawyihiin dowladda Itoobiya.
Itoobiyaanka ayaa isku dayaysa in maamul goboleedyada iyada raacsan iyo Xasan Sheekh ay dhax dhigto is faham si ay u hesho sharciyadda bugta ah ee Federaalka Soomaaliya.
Hoggaamiye walba oo ay yeelato Dowladda Federaalka ayaa iskusoo daahiriyo Addis Ababa si ay maamulayaasha Itoobiya u arkaan heerka ay gaarsiisantahay Dabadhilifnimadiisa!!.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

okaash
said:
|
Asc. asc. marka hore taariikhda wax bey dadku ku bartaan qalad kaa dhacay ood dib u saxdo marka itoopia tageysteeda wax aan dhibaato aheyn uma soo kor dhineyso dadka soomaaliyeen waana hubaan wax aan dan umada ugu jirin iney ka imaaneyso mida kale waxaan askari qori wata maahee maxaa itoobiya nooga imaan kara ma la is weydiiyay |
Wiil Muqdisho
said:
|
Allow Mililik hana raacin Xasan Gurguurte.Murtad xun oo dabadhilif ah maanta ayuu amxaaro jilbaha ka qabsanayaa ilaahey ku dulleey khashin baa tahay insha'allaah taariikh madow uunbaa kaa raaci doonteeeeee wax wanaag ah ku heli maysid garabsiga amxaarada |

