SomaliMeMo.SO Oo Hawada Soo Gashay iyo Warbaahinta SomaliMeMo la ballaariyay (Warbixin).
Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo ayaa ballaarisay howsha warbaahineed oo ay u heyso bulshada Soomaaliyeed xilli marxalad adag uu marayo dalka Soomaaliya.
SomaliMeMo oo muddo ku dhaw shan sanadood oo xariir ah ayaa ku talaabsatay horumar dhanka gudbinta wararka ah iyadoo shabakadda iyo howl-wadeenadeeda ay ku naaloonayaan misdaaqiyad islaami ah.
Warbaahinta SomaliMeMo ayaa bulshada ka kasbaday kalsooni dheeri ah codsiyo kala duwan oo nooga yimid shirkadaha ganacsiga ayay shabakaddu sanadkii lasoo dhaafay ayay shabakaddu markii ugu horreysay ogolaatay in ay ka qeyb qaadato horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed waxaana ganacsatada fursad loo siiyay in ay adeegyadooda kusoo bandhigi karaan SomaliMeMo welina fursaddaasi way taagantahay.
Si loo xoojiyo howsha warbaahineed ayay howl-wadeenada SomaliMeMo hirgeliyeen Domainno cusub oo kaabaya howsha culus ee dhanka warbaahinta ah.
Maalmo ka hor waxaa hawada soo galay baraha kala ah SomaliMeMo24.com iyo SomaliMeMo.SO waxayna qeyb ka yihiin warbaahinta baaxadda weyn ee SomaliMeMo.
Barta .SO ayaa ah barta Internetka ee ka tarjumaysa Somaaliya,Domainka Soomaaliya ee muujinaya qaranimada wadanka ayay SomaliMeMo kusoo biirtay,.SO waa domain ay gacanta ku heyaan shirkado shisheeye waxaana iibsan karta cid walba oo rabta balse wuxuu muhiim u yahay warbaahinta Soomaalida iyo cid walba oo fadhi gaar ah ku yeelanaysa Internet-ka.
Akhristayaasha sharafta leh waxa SomaliMeMo kusoo geli karaan sidan
www.somalimemo.net,www.somalimemo24.com,www.somalimemo.so iyo www.somalimemo.info
Wixii Talo iyo Tusaale ah waxaadnoogusoo hagaajin kartaan
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
