Cadawga Faransiiska Oo Qabsaday Gaawa iyo Xasuuq Xun Oo Muslimiinta Maali lagula Kacay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada cadawga isbahaysanaya ee ku duulay wadanka Maali ayaa bilaabay in ay gubaan magaalooyinka waaweyn ee dhaca waqooyiga wadankaasi Maali.


Wararka ka imaanaya magaalada Tambokto ee Maali ayaa sheegaya in duqeyn ba’an loo geystay dhismayaasha ugu waaweyn magaalada waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka Rayidka ah.


Diyuuradaha dagaalka Faransiiska ayaa in kabadan 50 jeer duqeeyay magaalada Tambookto ee dhacda waqooyiga wadanka,wariyaal ayaa soo sheegay in Tambokto laga barakacay waxaana dhismayaasha maamulka iyo xarumihii lagu yaqiinay isaga insixaabay mujaahidiinta jamaacada Ansaarudiin inkastoo ay weli magaalada maamulayaan.


Sidii lafilayay xoogaga muslimiinta ee maamula waqooyiga Maali waxay sameeyeen Taaktiik dagaal oo ay cadawga ugu baneynayaan magaalooyinka iyo degmooyinka si ay uga fogaadaan ahdaafta cadawga oo ay kamid tahay soo afjarid ay mujaahidiinta soo afjaraan.

Ciidamada gumeysiga Faransiiska iyo maleeshiyaadka Dabadhilifyada Maali ayaa shalay gelinkii dambe gudaha ugalay magaalada Gaawah kadib markii ay isaga bexeen mujaahidiinta Jamaacada Towxiid Waljihaad.

Fadli Cabdi Razaaq oo katirsan wariyaasha Telefeshinka Al Jazeera oo Gaawa gaaray ayaa soo sheegay in boqolaal katirsan ciidanka Faransiiska iyo kuwa Afrikaanta ah ay magaalada galeen islamarkaana ay tacadiyo xun u geysteen shacabka rayidka ah.



Diyuuradaha dagaalka Faransiiska ayaa burburiyay gaadiid shacab leeyahay iyo dhismayaal ku yaal bartmaha magaalada Gaawah,weli wax war ah kamasoo bixin dhanka muslimiinta  oo ku aadan is fidinta cadawga ay isku fidiyeen waqooyiga Maali.


Dhinaca kale markii ugu horreysay waxaa duqeymaha ka dhanka ah muslimiinta Maali ka qeyb qaadanaya diyuuradaha casriga dowladda Kirishtanka Ingiriiska,wasaaradda Difaaca UK ayaa xaqiijisay in diyuuradaheeda dagaalka ay dhowr duulimaad oo duqeymo ah ka geysteen waqooyiga Maali sidoo kale diyuuradaha basaaska Ingiriiska ayaa duulaanka Maali qeyb ka ah.



SomaliMeMo24.com,Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it