Ciidamada Mujaahidiinta Oo Hogaamiye Burcad ah ku dilay Gobolka Hiiraan.

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa galabta howlgal gaar ah ka fuliyay deegaan dhaca xad beenaadka ay wadaagaan Hiiraan iyo dhulka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato.


Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa xaqiijinaya in la khaarijiyay sarkaal can ahaa oo hogaamiye u ahaa kooxo burcad deegaanka ah kuwaasi oo caadeystay dhaca gaadiidka dadweynaha iyo fara xumeynta gabdhaha Muslimaadka ah.


Saraakiil u hadashay ciidanka Wilaayada Hiiraan ayaa sheegay in galabta weerar lagu qaaday tuulada Far Libaax,wararku waxay intaasi ku darayaan in howlgalkan gaarka ah lagu dilay Ninkii horboodayay burcadda deegaanka oo lagu magacaabi jiray "Daqarre".


Dadka deegaanka farlibaax ayaa soo dhaweeyay howlgalka dhacay ee lagu beegsaday burcadda maadaama ay dhici jireen gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha B/weyne iyo Far libaax.
Tuulada Far libaax 45 KM dhanka waqooyi Galbeed uga beegan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoona magaalada mustaxiil dhanka Koonfur uga beegan.


Daqarre ayay ciidanka mujaahidiinta dileen waxayna soo qaateen hubkii uu shacabka ku dhici jiray,howlgalka galabta dhaca waxaa ka baxsaday laba kamid ahaa maleeshiyaadka mooryaanta oo ka amar qaadan jiray Daqarre.


SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it