Rabshado Dhiig Badan Ku Daatay Oo Masar Ka Dhacay iyo Taageerayaashii Mubaarak Oo Ikhwaanka Jallaafaynaya (Warbixin).
Khalalaasa dhiig badan ku daatay ayaa dib ugasoo cusboonaaday wadanka Masar oo kamid ah wadamada carabta oo ay ka dhaceen kacdoonada ka dhanka ah xukaata dawaaqiidda ah.
Inkabadan 40 qof ayaa ku dhimatay 700 oo kalane dhaawacyo ayaa kasoo gaaray isku dhacyo ka dhacay magaalooyinka Boor saciid iyo Alsuweys ee wadankaasi Masar.
Wararka ka imaanaya Masar ayaa xaqiijinaya in kooxaha calmaaniyiinta ee ah haraadigii mubaarak ay dib usoo cusboonaysiiyeen rabshadihii ka dhanka ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka maamula wadanka Masar.
Dad careysan oo qaarkood ay hub soo qarsadeen ayaa weerar ku qaaday saldhigga booliska magaalada Alsuweys waxayna gubeen gudaha saldhigga iyo dhismayaal shacab leeyahay oo ku hareeraysan saldhigga.
Rabshadaha ayaa ku batay magaalada waxaana markii dambe dhacay iska hor’imaadyo fool ka fool ah oo dhaxmarayay ciidanka booliska iyo kooxaha qaska wada.
Madaxweynaha Maar Max’med Mursi oo shalay warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in gacanta lagusoo dhigi doono kooxaha mujrimiinta ah ee falal dambiyeedyada geysanaya.
Telefeshinka Masar ayaa xaqiijiyay in Janaaso loo sameynayay dadkii shalay lalaayay ay ka dhasheen rabshado kale taasi oo keentay in ay dhintaan 4 qof.
Dadka ku dhaawacmay rabashadihii maanta waxay kor u dhaafeen 430 oo u badan kooxaha calmaaniyiinta ah,mas’uul u hadlay Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in dhiigga daadanaya ay mas’uul ka yihiin siyaasiyiinta calmaaniyiinta ah ee isku magacaabay “Jabhadda Badbaadada”.
Kooxahan Fuluusha ah oo dhaqaale bxaad leh ka helaya wadamada Khaliijka Carabta ee diidan kacdoonada lagu ridayo andimada daaguutka ah ayaa isku dayaya in ay maja xaabiyaan dowladda ikhwaanku madaxda ka yahay.
Culimada Salafiyiinta Masar ayaa Ikhwaanka ku eedeynaya in tadbiiqinta shareecada Islaamka ay diideen sidaasi oo ay tahay aan laga hari doonin illaa ay cadawga isku dhiibaan.
Maxkamadda dembiyada magaalada Al Qaahira ayaa shalay xukun daldalaad ah ku ridday 21 qof oo lagu helay ay mas’uul ka ahaayeen dhacdadii lagu laayay 75 oo kamid ahaa taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta Al-ahli.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
