Maleeshiyaad Katirsan DF-ka Oo Isbaaro u dhigtay Gaari Rakaab ah,Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay.
Ammaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa faraha kasii baxaya kadib markii ay wadadaasi galeen maleeshiyaad mooryaan ah oo taabacsan DF-ka ee shisheeyaha la shaqeysa.
Wararka nagasoo gaaraya tuulada Leego ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay galabta wadada ugaleen gaadiid rakaab ah oo ka amba baxay Muqdisho kunasii jeeday dhanka magaalada Baydhabo.
Wariye Ibraahim Isxaaq oo ku sugan Gobalka Baay ayaa sheegay in gaari rakaab ah wadada loo galay waxaana halkaasi ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii gaariga rasaas lagu furay.
Mid kamida dadkii ka badbaaday xasuuqa lagula kacay shacabka rakaabka ah ayaa sheegay in laba qof oo Haween ah ay ku dhinteen weerarkii maanta sedax kalane ay ku dhaawacmeen,maleeshiyaadka mooryaanta DF-ka ayay usuurtageli weysay in ay shacabka baartaan kadib markii mid kamida Rakaabka uu lasoo baxay qori uu weeraray gaariga Rakaabka ah waxaana halkaasi ka dhacay dagaal.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaarigii Rakaabka ahaa sida meydad iyo dhaawacyo uu caawa gaaray magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay,ammaan daradan ka jirta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo waxaa sabab u ah ciidamada shisheeye ee Afrikaanta ah oo duulaan ku tegay Yaaqbari weyne illaa iyo Leego.
SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
