Sicir Bararka Muqdisho Oo Saameyn Xun Reebay iyo Shaqaalihii Hay'adaha Turkiga Oo Busaarad La Booreysan (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netSicir bararka ayaa weli fara ba’an ku haya shacabka magaalada Muqdisho kuwooda danyarta ah xilli magaalada ay ka jiraan howlgallo raaf ah oo bulshada lagu dhibayo.


Ascaarta daruuriga ah ee laga isticmaalo magaalada ayaa qaali garoowday waxaa kasii daran safirka lacagta Dollarka oo sabeynaya  arrinkaasi oo ka yaabiyay malaayiin caasimadda ku dhaqan.


Muqdisho waxaa shacabkeeda gaajjo ku dilaya hay’adaha shisheeye oo markii hore dalka kusoo galay magac gargaar iyo in ay caawinayaan dowladdii uu shariif madaxda ka ahaa.

Wariyaha SomaliMeMo24.com ee magaalada Muqdisho ayaa u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee caasimadda kajirta.

Laba maalin kadib Muqdisho waxaa xarigga laga jaraa Hotello cusub oo ay furanayaan dad qurba joog ah oo kumanaan dollar caasimadda layimid si ay khal-khal u geliyaan dhaqaalaha shacabka.


hay’adaha shisheeye ayaa iyana qeyb ka ah jiha wareerka kajira  dhaqaalaha  magaalada,magaalada waxaa ka jira dabeyllo siigo wata taasi oo dadka indha indheeya magaalada ay ku sheegaan “Hordhaca busaarad”.

Dadka dibadaha laga biilo ayay xaaladdu ku xuntahay sababtoo ah waxaa saameeyay hoos u dhaca ku yimid sarifka dollarka,qiimaha lagu kala iibsado khudaarta,caanaha,badarka maxalliga ah ee dalka kasoo go’a ayaa qaali ah taasi oo ka dhigan in isbedelka ku yimid sarifka uusan waxba ka bedelin marka laga reebo in shilin Soomaaligu ku yaryahay magaalada.

Dadka la shaqeeya Hay’adaha Turkiga Oo Faqri ah “Afka Gacanta iigeli”.

Busaaradda kajirta magaalada Xamar waxay halakeysay dadkii u shaqeyn jiray hay’adaha shisheeye gaar ahaan kuwa turkiga,inta badan mashaariicdii turkigu ka weday magaalada Muqdisho waa joogsadeen marka laga reebo mashruuca dib u dayactirka isbitaalka Digfeer oo si xowlli ah ku socda.


Qaar kamid ah dadkii gacan saarka lalahaa hay’adaha Turkiga ayaa ka sheeganaya  shiid iyo nolol xumo  mid kamida shaqaalaha hay’adaha Turkiga ayaa ii sheegay in laga joojiye lacagihii ay Turkiga ka heli jireen islamarkaana deymo farqaha loogala dheganyahay suuqyada.


Halkan Akhri Warbixin ay SomaliMeMo24.com maalmo ka hor ka qortay dhibaatada Muqdisho kajirta


Kuwa badan oo Turkiga u shaqeynayay ayaa lacago deymo ah qaatay iyagoo ku tashanaya mushaar lasiin lahaa ayay xaaladdu isbedeshay, “Xaalad nolol xumo ayaa haysata dadkii Turkiga ka shaqeynayay waxay waayeen lacagihii waalida ahaa oo ay qaadan jireen dadka qaar ayaa dibadaha u cararay”ayuu yiri qof Muqisho ku sugan.


Dadka la shaqeyn jiray Turkiga lacagihii soo galay baraka malahayn waxayna ahaayeen kuwa si xowli ah uga baxayay arrinkaasi oo keenay in maanta ay xaalad shallaay ay istaagaan.


Dr.Xanafi oo kamid ah aqoonyahanada Muqdisho ayaa horay u sheegay in mashruuca turkiga uu meel cidla ah kusoo dhici doono marka ay beelaha Muqdisho “Afka u dhigtaan” arrinkaasi oo maanta xaqiiqoobay.


Dhinaca kale DF-ka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhibaatada dhanka maaliyadda ah ee kajirta magaalada Muqdisho,wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in sababta uu Dollarku u rakhiisay ay tahay lacagta shilin Soomaaliya oo suuqa kasii baxaysa.

Dhageyso Wasiirka Maaliyada DF-ka Oo Ka hadlaya Sicir Bararka Muqdisho MP3



Dhaqaalayahanada Muqdisho ayaa rumeysan in dhibaatada Xamar ka taagan ay mas’uul ka tahay DF-ka iyo shisheeyaheeda ujeedkuna uu yahay in lala wareego dhaqaalaha shacabka.


SomaliMeMo24.com,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it