Dagaal ka bilowday Ceel Cadde.

Written by Maamul on .

somalimemo.netDagaal culus ayaa goordhaw ka qarxay deegaanka Ceel Cadde ee wilaayada Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamo Kenyaanti ah iyo maleeshiyaad hubeysan.

Warar goordhaw nagasoo gaaray Wilaayada Gedo waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Gedo ay dagaal ku galeen degmada waxaana socda dagaal culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan leysku adeegsanayo.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen Ceel Cadde, isgaarsiinta degmada ayaa Hawada ka baxday shacabkii magaalada deganaa ayaa kal hore isaga qaxay markii ay ciidanka cadawga soo galeen degmada.

Saan saanta dagaalka Ceel Cadde ayaa xalay laga dareemayay Gedo kadib markii Boqolaal katirsan mujaahidiinta ay dhanka degmadaasi u dhaqaaqeen.

Tafaasiisha Warkan dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha'allaah

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy