Sheekh Cali Jabal "Dagaalku Wajeer ayuu ka socdaa Nairobi ayaana loo socdaa".

Written by Maamul on .

somalimemo.netMas'uul katirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in cadawga kusoo duulay Soomaaliya uu ku socdo wadadii jabka islamarkaana uu dagaalku gaari doono bariga Afrika oo dhan.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen Abuu Jabal oo kamid ah saraakiisha mujaahidiinta Soomaaliya horayna u ahaa waaliga Banaadir ayaa sheegay in Kenya ay ka shalaayi doonto duulaanka fulaynimada ah oo ay kusoo qaaday Jubada Hoose iyo Gedo.

"waxaan idiin sheegayaa in Kenya iyo Itoobiya ay ku jebi doonaan dagaalka ay nagusoo qaadeen, yaan wax weyn loo arkin meelaha ay dalka kasoo galeen dalkaan islaamka ayaa u dambeynaya, waad arkeysaan dagaalku gudaha Kenya ayuu u wareegay Wajeer ayuu sii marayaa Nairobi ayaana loo socdaa"ayuu yiri sheekh Cali Jabal.

Sheekh Cali ayaa warkiisa sii raaciyay in mujaahidiintu ay taageero dhan walba ah ka heleen shacabka Soomaalida qeybihiisa kala duwan ayna diyaar u yihiin in waqti dheer ay cadawga lasii dagaalamaan.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa weerar kusoo qaaday qaar katirsan wilaayaatka islaamiga Soomaaliya halka dowladaha Burundi,Uganda iyo Jabuuti ay iyana kusoo duuleen Muqdisho waxaan duulaankaasi cudwaaniga ah dhabarka u dhigay mujaahidiinta iyo shacabka Soomalida oo Allaah kaashanaya.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy