MAQAAL: ii daa Abu Faadumo waan ku Diirsadaye (Jawaab Maqaalkii "Abu Faadimah Nasiixo ma mudan yahay" ee ay qortay Cubtan Yusuf) W/Q:. Mariam Sh Nur Ali

Written by Maamul on .

Qormadani waxay Jawaab u tahay qoraal ay qortay gabar walaashay ah oo lagu magacaabo Cubtan Yuusuf, Qoraalkaas oo lagu faafiyey bog ka mid ah bogaga Ictisaamka, Cubtan ayaa Qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay "Abu Faadimah Nasiixo ma mudan yahay".


Cubtaney walaalo ugu horayn Sh Axmed Xaaji c/raxmaan dhammaanteen ayuu inaga dhintay, waxaa u timid Ajashii Alllaah u qadaray, waxaan aaminsanahay in ay dishay gacan ka xaqdaran oo daalimad ah, waxaana Allah uga baryayaa in uu u dambi dhaafo Sh Axmed Xaaji c/raxman iyo dhammaan Muslimiinta.


Waa Kuma Abuu Faadumo?

Cubtaneey, Abu Faadumo waa geesi xaq u dirir ah, ku dagaalama carabkiisa, neceb gaalada iyo gaalo raacyada, Jecel islaamka iyo ahalkiisa, Murtidiisa iyo Suugaantiisu waxay ka caraysiisay gaalo iyo munaafiqiin iyo inta safkooda ah, waxa uu murtidiisa ku cadeeyey dariiqa khaldan ee ay qaadeen kooxaha ahlul bidaca ah, sida kooxaha diinta ka dhigtay in ay been ka sheegaan lana dagaalamaan Mujaahidiinta xaq u dirirka ah, Abu Faadumo waa aftahan hal abuur leh, ilaahay ku manaystay murti iyo maskax.


Walaashay Cubtaneey, bal aan wax yar ka hadlo meelo badan oo aan is iri walaashaa aqoon yari ayaa ka haysa:

Midda Koowaad: Walaashay Cubtaneey, Dr Axmed Xaaji markii la dilayey cid ag joogtay oo cadaysay cidda dishay cidda ay ahayd mayan jirin, wax cadayn ah oo loo hayey cidda dilka gaysatay ma ayan jirin, sidaas ayada oo ay tahay ayaa laba nin oo reer Garoowe ah oo aan u dhalan beesha uu Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan ka dhashay ee Leelkase waxa ay markiiba dilka Shiikha dusha ka saareen Xarakada Al Shabaab, labadaas nin waxa ay kala ahaayeen C/Raxmaan Faroole iyo Sh C/qaadir Gacameey.


Walaashay Cubtaneey hadalkaaga waxaa ka mid ahaa (Arintu waxay illaa hadda dhex taal Beeshii Shiikhu ka dhashay