Shabelle halkee bey kaga hartay Madoobe Nuunow?

Inkastoo aan ka mid aheyn dadka u hogaansan waxa loogu yeero mabaad'ida saxaafadda xorta ah hadane wax badan ayaan ka garanayaa, waxaana muuqaneysa marka laga soo tago saxaafadda mabd'a ahaan isaga soo horjeeda ee Somaliya in kuwa ka soo haray ay lumiyeen wax kasta oo ay sheegtaan oo ah saxaafad madax banaan.
Gudaha Somaliya waxaa ka howlgala dhowr xarumo warbaahineed kuwaasi oo hadba ulajeedooyin u shaqeeya, DKMG ah iyo shisheeyaha macatab u dirirka ah waxey adeegsadaan gudaha dalka Idaacad afkooda ku hadasha oo Muslimiinta ay u yaqaanaan Radio Riddo (Radio Muqdisho), halka Mujaahidiintu ay adeegsadaan Idaacad lagu magacaabo Andalus.
Mudada burburka dalka ayaa waxaa dad dibadaha jooga oo ogaaday awoodda warbaahinta ay ka faa'ideysteen in dagaalka Somaliya ay si kale ugu soo biiraan iyaga oo aan hubeysneyn, balse awood la mid ah tan hubka adeegsanaya, taasi oo keentay in Muqdisho laga wada furo idaacado sheegta saxaafad xor ah.
Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah kuwaasi, waxaana Idaacaddaasi ay sanadihii danbe isu badashay dukaan ganacsi oo milkiilaha leh uu hadba bulshada ka iibiyo alaabtii la soo dhigto, isagoo buun buuniya dhacdooyin aan jirin, mararka qaarkoodna si cadaan ah u beegsada DKMG ah iyo Raadiyaheeda Riddada.
4-tii bishan ayay aheyd kolkii Idaacadda C/Maalik ay si aan wax reebad aheyn u taageertay doorashooyin ku sheeggii gudoomiyaha Baarlamanka loogu doortay Madoobe Nuunow, waxaana intaasi ka dib ay sii wadwadeen doorashadaasi xilli ay si weyn u diidanayaaneen hogaanka DKMG ah, waxaana ay isku dayday Shabelle in awoodda saxaafadda ay ku maquuniso dhamaan dhinacyadi ka soo horjeeday Nuunow.
Doorashooyinkii ayay toos Idaacadda kaga tabiyeen, dibad baxyo lagu taageerayo ayay Muqdisho ka tabiyeen, ra'yi uruurin reer Muqdisho ah ayay ku sheegeen in lagu soo dhaweeyay doorashada, Madoobe Nuunow ayay weydiiyeen waxqabadkiisa in uu shacabka u soo bandhigo, waxey laaleen go'aan ka soo baxay hogaanka DKMG ah, iyagoo ka horkeenayay xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow!
Waxey ugu yeerayeen Madoobe Nuunow in uu yahay gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Somaliya, halka Shariif Xasan ay ugu yeerayeen Gudoomiyihii hore Hore!, laakin maalmahan maxaa isbadalay? halkee bey Shabelle kaga hartay Madoobe Nuunow?
Su'aalahaasi jawaab uma hayaan, mooyee in ay madaxa raariciyaan oo bulshada Somaliyeed ay ku hor fadeexoobaan, laakin dad baa isweydiinaya ma qarashaadkii laga qaaday Madoobe Nunow ayaa intaasi ku ekaa..ama wax kale ayaa soo baxay?, balse si kasta oo ay ahaataba wali Shabelle waa dukaan u furan ciddii badeeca geysan karta, waxaana taasi caddeymo u ah sida ay DKMG ah ugu liiday magaalada Baladweyne oo ay u aqoosan tahay maamulka Dooxada Shabelle!
DKMG ah ayay la gudboon tahay in xoogaa lacago ah ay u qoondeeyaan warbaahinada la midka ah Shabelle, si aysan dhibaato kala kulmin, waxaana la xusuustaa in khilaafkii Baarlamanka ee ku soo afmeermay doorashadii buta aheyd ay kaalin weyn ku laheyd Shabelle.
Dhanka Mujaahidiinta iyagu hore ayay go'aan kaga qaateen Shabelle iyo dhalinyarada lagu xamaasho ee jooga, waxaana Mujaahidiintu aaneyba aqoonsaneyn waxa loogu yeero mabaad'da saxaafadda, sidaasi darteed maadaama Shabelle ay ka weecatay Mabaad'ida Islaamka waxey mareysaa xukunka Sharciga Islaamka uu ka leeyahay cisaabo dagaal kula jirta diinta oo suurad xumeysa Hirgelinta Shareecada Islaamka.
Eng.Khaliif Muumin
E-mail:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


