Macalin Daahir Xaaji Aweys oo Maanta la aasay.
Allaha u Naxariistee waxaa maanta degmada Lafoole lagu aasay Allaha u Naxariistee Macalin Daahir Xaaji Aweys oo kamid ahaa Culimada Soomaaliyeed ee dacwada iyo fidinta Diinta Islaamka ku howlanaa.
Salaadda Janaazada ayaa saaka lagula Tukaday masjidka Abuu Cumar Al-Baqdaadi ama Wakaaladda Biyaha ee magaalada Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho.
Dad Kumanaan lagu qiyaasay ayaa Aaska Macalin Daahir Aweys kasoo qeyb galay iyagoona Alle uga baryay in uu naxariistiisa siiyo oo uu u dhaafo wixii Gafaf ahaa ee ka dhacay.
Mas'uuliyiin katirsan Mujaahidiinta,culimaa'udiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku sugnaa goobta aasku ka dhacay, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa wiilasha Macalinka ayaa aaska ku sugnaa sidoo kale Dr Cubeyd Daahir Aweys oo isna kamid ahaa Awlaadda Macalinka ayaa looga tacsiyadeeyay geerida ku timid aabahood.
Sheekh Xasan Daahir oo xalay lahadlay Warbaahinta Islaamiga ah ayaa isna umadda Soomaaliyeed uga tacziyadeeyay geerida ku timid Macalin Daahir Aweys oo kamid ahaa Macalimiinta dugsiyada qur'aanka ee dalka Soomaaliya.


