Hogaanka XSHM oo Tacsi u diray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Dhamaan Qoyska Reer Daahir.

Written by Administrator on .

somalimemo.netMas'uuliyiinta ugu saraysa mujaahidiinta Soomaaliya ayaa tacsi u diray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo qoyskii uu ka geeriyooday Macalin Daahir Aweys oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa Tacsi u diray Muslimiinta wuxuuna uga Tacziyadeeyay geeridii ku timid Macalin Daahir Aweys oo xalay ku geeriyooday duleedka magaalada Muqdisho.

Abuu Mansuur ayaa ka Taariikheeyay Usrada diinta Islaamka kusoo barbaartay ee uu ka dhashay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah caalim mujaahid ah caana ka ah geeska Afrika.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Alle uga baryay Macalin Daahir in uu Janatul Fardowso ka waraabiyo isagoona Ehelkii uu baxay iyo umadda Soomaaliyeed samir iyo Iimaan Alle kasiiyo.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo isna hadlay ayaa Tacsi u diray Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Macalin Daahir Aweys.

Hogaanka Mujaahidiinta ayaa si heer sare ah uga tacsiyadeeyay geerida Macalin Daahir Aweys oo ah aabaha dhalay Sheekha Mujaahidka ah Xasan Daahir Aweys.

Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

busy