Dhoobley oo Cabsi Dagaal loo baneeyay.
Cabsi xoogan ayaa soo food saartay ciidamada cadawga ee xoogga ku jooga deegaanka Dhoobley wilaayada Jubbada Hoose kadib markii la sheegay in mujaahidiintu kaabiga saareen deegaanka.
Wararka nagasoo gaaraya Dhoobley ayaa xaqiijinaya in ciidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka la socda ay xalay isaga bexeen Dhoobley iyagoona horay usii qaatay wixii hub iyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen.
Wararka nagasoo gaaraya Dhoobley waxay sheegayaan in saaka markii uu waagu baryay ay dadku kusoo tooseen deegaanka oo Faaruq ah balse maanta barqadii ayay ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida dib ugusoo laabteen deegaanka.
Saraakiisha Kenyaatiga ayaa amar ku bixiyay in ciidanka laga saaro magaalada oo lageeyo halka loo Yaqaan Libooyo Kenya, majirin wax dagaal ah oo Dhoobley ka dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay deegaanka soo galeen oo ay waayeen cid ay ladagaalamaan kadibna ay dib uga kaabteen Dhoobley.
Mujaahidiinta ayaa Sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday dhamaan jabahaadka dagaalka ee Jubbada Hoose taasi oo keentay in cabsi soo wajahdo cadawga.


