Andrew Mitchel Muxuu Garowe kasoo Doonay?.
Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Ingiriiska ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal oo uu gacanta ku hayo maamul Ashahaadda ladirir ah.
Maanta duhurkii ayuu Garowe kasoo degay Andrew Mitchel oo Dowladda Ingiriiska usoo xil saaratay arrimaha faragelinta dalka Soomaaliya waxaana la sheegayaa in uu maamulka Faroole kala hadli doono qorshe dhawaan London looga dhawaaqay oo arrimaha Somaliya ku aadan.
Andrew Mitchel markii u Garowe soo gaaray wuxuu kulamo laqaatay madaxweyne K/xigeenka maamulka Puntland iyo saraakiisha shirkadaha shisheeye ee Garowe ku sugan.
Inkastoo saraakiisha maamulka Faroole socdaalka Andrew Mitchel ku tilmaameen mid Ijaabi ah hadane waxaa larumeysanyahay in ay kawada hadleen dhibaateynta shacabka Muslimiinta Waqooyi Bari Somaliya.
Bisha Febaraayo ama April ayay Dowladda Ingiriiska qabanaysaa shir loogu tashanayo maamulada Islaamiga ah ee kajira wilaayaadka dalka Soomaaliya.


