Diyaarad nooca iswada ee wax basaasa oo kusoo dhacday magaalada Muqdisho.

Written by Administrator on .

Diyaarad yar oo nooca wax basaasa ah oo aan la garanayn wadanka laga leeyahay ayaa duhurnimadii maanta kusoo dhacday Xerada Badbaado One ee Degmada Dharkeenleey, halkaas oo ay ku dhaqan yihiin dad barakacayaal ah.


Qaar ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee halkaas ku sugnaa xiligii ay diyaaradan soo dhacaysay ayaa sheegay in ay maqleen Jug aad u weyn ka dibna markii ay banaanka usoo baxeen ay arkeen Qiiq iyo uuro ay sababtay diyaaraddan yar ee soo dhacday.


Goobjoogayaasha ayaa waxay tilmaameen in ciidamada Kuffaarta AMISOM iyo maleeshiyaadka Calool-uusta ah ay isku gadaameen halkii ay diyaaraddu kusoo dhacday, ka dibna ay qaateen burburkii diyaaradda.


Lama sheegin khasaaro ka dhashay burburka diyaaradda, waxaan illaa iyo hadda cadayn dalka laga leeyahay diyaaradan burburtay, balse waxaa loo badinayaa in diyaaradaan laga leeyahay dalka Maraykanka oo ah dalka sida aadka ah u isticmaala diyaaradaha caynkaan oo kale ah maadaama uu Maraykanku dagaal adag kula jiro Muslimiinta Soomaaliyeed ee u taagan difaaca Diinta iyo Dalka.