Qarax Weyn oo Beled Weyne ka dhacay.

Written by Administrator on .

somalimemo.netQarax xoogan ayaa goordhaw oo maanta ah magaalada Beled weryne lagula eegtay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee duulaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in Burbur xoogan uu gaaray gaari nuuca Uuraalka ah oo ay lascdeen ugu yaraan 40 Askari oo katirsan ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

Qaraxan lala eegtay ciidanka cadawga ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay waxaa dhimasho iyo dhaawac naqday ciidankii laweeraray waxaana jira in Itoobiyaanka qaar kamid ah ay dhaawacyadoodu liitaan.

Waxaa goobta soo gaaray ciidan kale oo Itoobiyaan ah oo hadda ku howlan daadgureynta Meydadka iyo dhaawaca kasoo gaaray qaraxa.

Shacabka Muslimka magaalada Beled Weyne ayaa dhuunta ugalay gumeysiga waxaana magaalada ka socda iska caabin si xowli ah ku socota.

Cadde Xasan SomaliMeMo
Muqdisho,Somaliya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it