KUDHAA Gacanta Cadawga magelin Welina waxaa Maamula Islaamka (Wareysi+Warbixin).
Warbaahinta Cadawga ayaa saaka baahisay in deegaanka Kudhaa uu gacanta cadawga galay kadib markii uu dagaal ku dhaxmaray ciidanka Kenya iyo mujaahidiinta.
Markii warkaasi soo baxay ayay SomaliMeMo xariir lasameysay dadka deegaanka iyo saraakiisha maamulka Islaamiga ee kajira Kudhaa si aan wax uga ogaano saxnimada warkan.
Ugu Horeyn warbaahinta cadawga waxaa caado u ah Been,Munaafaqnimo iyo in ay Afkooda qurmoon ku ijaafeeyaan Islaamka waxay garab u yihiin cadawga Kenya,Itoobiya,Yahuudda iyo dhamaan kuwa doonaya in ay Soomaaliya qabsadaan waana Warbaahin aan haba yaraatee Kheyr sheegin.
Markii ay ciidanka Itoobiya qabsadeen magaalada Beled Weyne ayay Ciwaanada Wararkooda ka dhigteen "Ciidanka Xoogga oo Beled Weyne qabsade"!!, maalin ka hor markii Mujaahidiintu Badhaadhe ka bexeen oo ay Kenyaatigu gaareen ayay warka u dhigeen "Ciidanka Qaranka oo Badhaadhe ka Eryayay Argagaxisada Shabaab"!!.
Idaacadaha ku hadla Afka AMISOM waxay saaka baahiyeen in ciidamada kenya ay galeen Kudhaa kadib markii ay mujaahidiintu isaga bexeen.
Maxaa kajira in KUDHAA Gacanta Mujaahidiinta kabaxday.
Wariye Cadde Xasan oo SomaliMeMo katirsan ayaa Khadka Taleefanka kula xariiray qof ku sugan bartamaha deegaanka Ku Dhawaa waxaana dhax maray Hadaladan soo socda.
SomaliMeMo: ASC
Goob Jooge: WWW
SomaliMeMo: Walaal Kudhaa Saaka cadawga miyaa soo galay.
Goob Jooge: Maya Xasbunallaah wax cadaw ah halkan sooma gelin mana dhawa dhanka Badhaadhe ayay ku suganyihiin.
SomaliMeMo: Oo Saaka Kudhaa Dagaal kama dhicin miyaa?.
Goob Jooge: Maya Maya walaal aniga ayaaba hadda ku sugan bartamaha deegaanka.
SomaliMeMo: Hadda jooga Kudhaa
Goob Jooge: Kudhaa waxaa joogay dadka Muslimiinta ah iyo mujaahidiinta waana deegaan Dhuxusha laga dhoofiyo wax culeys ah kama jiraan deegaanka, hadda aan kula hadlayo waxaan Qaxwa ka cabayaa maqaayadda weyn ee Kudhaa.
SomaliMeMo: Mahadsanid Walaal Allaha idinka dhowro sharta cadawga.
Goob Jooge: Dhamaateen Walaale idinkaa mudan.
Intaasi kadib waxaan wacay mid kamida saraakiisha Ciidamada Mujaahidiinta ee Kudhaa ku sugan wuxuuna noo xaqiijiyay in Kudhaa aysan weli gacanta cadawga ayna u diyaar garoobeen dagaal.
Sarkaalkan aan laxariirnay oo aanan ufasaxneyn in aan codkiisa qaadano ayaa Muslimiinta u xaqiijiyay in Kudhaa ay ka nabad qabto cadawga balse aysan saadaali karin waxa saacadaha soo socda dhici doona.
Cadde Xasan SomaliMeMo,Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
