Cabdi Weli Gaas oo Soo Hadal qaaday Maxmiyadda Cusub ee Somaaliya lagelin doono.

Written by Administrator on .

somalimemo.netWarbaahinta Islaamiga iyo aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa fashiliyay qorshe ay cadawga umadda Soomaaliyeed ku doonayeen in ay dalka Soomaaliyeed ku geliyaan Maxmiyad gumeysi oo hor leh.

Warbaahin ay kamid tahay SomaliMeMo ayaa banaanka soo dhigay Ajandayaasha Gurucan ee shirka dhawaan lagu qaban doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madhihi Karno Qorshashaasi waa uu Fashilmay balse waxaan Saxaafad ahaan Khalkhal ayaan gelinay oo waan kashifnay Qoshayaasha Cadawga ayuu yiri Eng.Khaliif Muumin oo Qorayaasha waaweyn ee Soomaalida kamid ah.

Qorayaal Soomaali Qurbajoog ah ayaa iyana kamid ahaa dadka Firfircoon ee soo ogaaday Maxmiyadda London kasoo socota waxaana kamid ah C/waaxid Khaliif oo ah aqoonyahan dalka dibadiisa ku sugan.

Maxamed Jaamac Kaligiiduul iyo Ibraahim Gelle ayaa iyana si isku mid ah u sheegay in shirka London uu yahay maxmiyad cusub, wararka warbaahinta islaamiga ah lagu baahiyay waxay muujinayeen in maxmiyadda cusub ay u egtahay maamulkii dowladda Mareykanka ay u dejisay ciraaq xiligii ixtilaalka.

Wasiirada loo sameyn doono Somaaliya marka maxmiyadda cusub lagalo ayaa isugu jiro Ajaanib iyo kuwa Soomaali ah.

Markii warkaasi soo shaac baxay waxaa gilgilmay siyaasadda DKMG ah ee cadawga u shaqeysa, C/weli Maxamed Gaas oo DKMG ah ugu magacaaban R/wasaare ayaa markii ugu horeysay carabaabay Maxmiyadda cusub ee dalka lagelin doona.

"Warkaas warbaahinta Soomaalida ayaan ka maqlay wax jiro ma ahan caalamka kama yeeli doono in dalka Maxmiyad lageliyo"ayuu yiri Gaas.

SomaliMeMo iyo AmiirNuur Media ayaa Khamiistii lasoo dhaafay baahiyay Warbixin xaqiijinaysay in Somaaliya geli doono Maxmiyad gumeysi.