Toogasho ka dhacday magaalada Gaarisa iyo Dabaqoodhiga oo Xaalad cabsi ah wajahaya.

Written by Administrator on .

somalimemo.netXoogag Hubeysan oo maleynayo in ay katirsanyihiin mujaahidiinta Kenya ayaa xalay Howlgal khaas ah ka fuliyay magaalada Gaarisa ee Gobolka NFD ee xoogga looga heysto Umadda Soomaaliyeed.

Xalay Fiidkii ayay toogasho ka dhacday goob ay ka cunteeyaan ciidanka Dabaqoodhiga loo yaqaan ee dowlada Kenya u shaqeeya, rag hubeysan ayaa goobta soo gaaray kadibna waxay bilaabeen in ay rasaas ku asqeeyaan cadawga.

"Rasaas ayaa xalay laga maqlay magaalada waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday 3 qof oo laba kamid ah yihiin ciidanka Dowladda"ayuu yiri qof lahadlay warbaahinta Islaamiga ah.

Kenya ayaa wajahaysa xaalad amaan darro tan iyo markii ay duulaanka kuso qaaday dalka Muslimka Soomaaliya, dadka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan xarumaha Dowladda.

Gaarisa waxay caan ku tahay iska caabinta ay kula jirto ciidanka cadawga Kenya sidaasi oo ay tahay waxaa ku badan Soomaali Dabadhilifyo Soomaali ah oo gaalada la shaqeysa.