Mujaahidiinta oo Dagaal ku galay degmada Luuq.
Dagaal culus ayaa hadda ka socda degmada Luuq ee wilaayada Gedo oo kamid ah deegaanada gacanta cadawga ku jira.
Takbiirta Mujaahidiinta ayaa marqura isqabsatay waxaana gudaha Luuq ka socda dagaal culus kaasi oo si toos ah ugu dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta Al shabaab iyo kuwa Itoobiya.
Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in dagaalku uu ka bilaawday wadada Luuq kasoo gasha dhanka Yurkut kadibna wuxuu ku faafay degmada.
Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa Buundada Luuq oo uu ku yaal saldhig weyn oo ay deganyihiin ciidanka Itoobiya.
Weli waxaa socda dagaalka waxaana jira dhimasho iyo dhaawac balse majirto cid faah faahin karta cadadka khasaaraha.
Lasoco Wixii soo kordha
