Ciidamada Mujaahidiinta oo Caawa Howlgallo Adag ka Wada deegaanada Taabto iyo Qooqaani Jubbada Hoose.
Dagaal ayaa hadda ka socda tuulooyinka kala ah Taabto iyo Qooqaani oo katirsan Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyaati iyo Soomaali ah.
Wararka ka imaanaya Qooqaani waxay sheegayaan in dagaal xoogan uu dhaxmarayo ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Kenya ee Soomaaliya kusoo duulay.
Wariye Cabdi Raxmaan Hureyra wuxuu soo sheegay in cutubyo katirsan mujaahidiinta ay weeraro dhowr jiha ah ku qaadeen Saldhigyada cadawga ee Qooqaani iyo Taabto.
SomaliMeMo faah faahin intaasi ka dheer kama heyso dagaalka waxaana lamaqlayaa rasaas culus iyo madaafiic, caawa waa habeen ay mujaahidiintu Howlgallo ka wadaan Muqdisho, Gedo iyo Jubbada Hoose.
