Dagaalkii Luuq oo Soo Gabagaboobay iyo SomaliMeMo oo Faah Faahin Dheeri ah ka Heshay.
Dagaalkii galabta ilaa iyo caawa ka socday degmada Luuq ayaa soo gaba gaboobay kadib markii ay ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Gedo ay lawareegeen intabadan Luuq.
Sida uu taliska mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab u xaqiijiyay SomaliMeMo cadawga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee la socda ayaa waxaa laga saaray fariisimadii muhiimka ahaa ee ay uga sugnaayeen magaalada Luuq.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay Koontaroolka Luuq muddo daqiiqada ah kula dagaalamayeen maleeshiyaad Soomaali ah kadibna waxaa usuuragashay in ay gudaha magaalada u galaan.
Markii ay mujaahidiintu ka talaabayeen Koontaroolka waxay dul mareen meydadka 5 Askari oo Soomaali ah kuwaasi oo laga qaatay qoryihii ay ku dagaalamayeen.
Caawa saacaddu markii ay ku beeneyd 8:30 Fiidnimo ayay ciidamada Mujaahidiinta gudaha Luuq galeen balse waxay dagaal adag lagaleen ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Buundada Luuq iyo Buurta magaalada.
Halkaasi waxaa la sheegay in labada dhinac uu dagaal adag ku dhaxmaray islamarkaana labada dhinacba ciidamo isaga dileen.
Taliska mujaahidiinta ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in dagaalkii Luuq ay ku dileen 11 Askar Itoobiyaan ah iyo 5 maleeshiyaad Soomaali ah islamarkaana ay qaniimeysteen hub iyo rasaas, hubka mujaahidiintu soo qaniimeysteen waxaa kamid ah qoryaha PM-ka loo yaqaan iyo sanaadiiq rasaas ah.
Howlgalkii Caawa Luuq ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli Itoobiya dhawaan ciidamo farabadan ay isugu keentay degmada Luuq balse ciidankaasi ayaa la sheegay in ay deganyihiin meel u dhaxaysa Luuq iyo Doolow.
Cadde Xasan
SomaliMeMo
Muqdisho Somaliya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
