Wararkii ugu danbeeyay dagaaladii xalay ka dhacay Gedo.

Written by Administrator on .

somalimemo.netWarar dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya dagaallo xoog leh oo xalay si qorsheysan ay siyaaba kala duwan ugu qaadeen Mujaahidiinta goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Somalida iyo ciidamada dabadhilifka ay u yihiin.



Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta oo ku sugan agagaarka deegaanka Luuq Gannaane oo xalay dagaal xoog leh uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in weerarkii xalay uu aha mid aad u qorsheysan isla markaana uu xaqiijiyay ahdaaftii laga lahaa.



Waxaa uu intaasi ku daray sarkaalka in tobaneeyo ka mid ah maleeshiyaadka ay ku dhinteen weerarka oo si gaadmo ah u dhacay inkastoo markii danbe uu isu badalay dagaal culus, waxaana sidoo kale Mujaahidiintu ay soo furteen agab dagaal.



Sida xogta aan ku helnay 2 qori oo nooca PKM iyo kuwa kale ayay Mujaahidiintu ku soo qaniimeysteen dagaalkii xalay ee Luuq, iyadoona ay Mujaahidiintu kolkaasi ay dib kaga soo durgeen magaalada ayna ku soo laabteen xeryahii ay weerarka ka qaadeen.



Goor sii horeysay oo shalay ah ayaa sidoo kale deegaano kale dagaallo ka dhaceen, dhamaantoodna waxey ka dhasheen weeraro ay qaadeen Mujaahidiinta, mar arrinkaasi sababihiisa aan wax ka weydiinay saraakiisha ciidanka ayay ku gaabsadeen in maalmaha xiga ay arrimahaasi ay kala cadaan doonaan.



Eng Khalif Muumin
Email This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it