Yey ahaayeen dadkii lagu dilay Gaarisa?
Xaalad cabsi ah ayaa ka soo gudboonaatay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya halkaasi oo dhawaan lagu khaarijiyay rag odayaal ay ku jireen kuwaasi oo gacan saar la lahaa dawladda Kenya, qeybna ka qaadanaya gulufka ay waddo.
Warar aan ka helnay ilo wareed masuul ah ayaa sheegaya in ragga la khaarijiyay ay ahaayeen xubno aad ugu dhaw dhaw Axmed Max'ed Islaam Axmed Madoobe, oo mar ahaan jiray Oday mujaahidiinta ka mid ah balse si lama filaan ah isugu badalay hogaamiye dabadhilif ah oo Kenya hoosta ku wata.
Ragga la khaarijiyay ayaa la tilmaamay in ay qaabilsanaayeen uruurinta iyo daabulaadda maleeshiyaadka deegaanka si ay qeyb kaga noqdaan dagaallada ay kenya iyo dabadhilifyadeedu ka wadaan Wilaayaadka Jubbooyinka iyo Gedo ee koofurta Somaliya.
Saraakiil la shaqeysa Axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Gaarisa, kuwaasi oo ku gacan siinaya booliska Kenya in la daba galo dadka looga shakisan yahay in ay gacan saar buuxa la leeyihin Mujaahidiinta ama ay taageeraan.
Horey ayay marar badan camaliyaad ceynkani oo kale ah kaga dhaceen gudaha Kenya tan iyo markii duulaanka ay soo qaaday bishii October ee sanadkii hore, waxaana sii kordhaayay cabsida ay muujinayaan muwaadiniinta Kenya.
Eng.Khaliif Muumin
Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
