Sh Umal oo Cay iyo Aflagaado ugu Jawaabay Shiikh Xasan Takar, kuna sheegay in uu la mid yahay Duqsi ku dhacaya meelaha Qurunka ah, uuna doonayn in uu Eey walbaa u jawaabo (YAAB)
Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada ku nool Magaalada Nairobi kana mid ah Culimadii Gacanta ka bixiyey Dhulkii Muslimiinta ee Soomaali Galbeed ayaa caawa Qabtay Muxaadaro Calaacal iyo Af-lagaado ku soo gaba-gabowday.
Shiikh Umal ayaa ka gil-gishay kalmadii qiimaha badnayd ee uu Shiikh Xasan Maxamuud Takar Xafidahullaah ku kashifay hagar-daamada ay maleegayaan qaar ka mid ah qolooyin huwan magaca Culimada.
Mu'tamarkii Culimada Rabbaaniyiinta ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayuu Shiikh Xasan Maxamuud Takar Xafidahullaah ka sheegay sirar qarsoonaa iyo hagardaamooyin ay maleegeen raggaani.
Shiikh Umal oo ka mid ahaa ragii magacooda la xusay ayaa aad uga qaracmay hadalkii Shiikh Xasan Maxamuud Takar waxaana uu Shiikh Umal qabtay kalmad uu kusoo aruuriyey Cay iyo Aflagaado.
Kalimaddaan ayaa u muuqatay mid Shiikh Umal loosoo dhiibay, Afhayeena looga dhigay in uu difaaco Raggii Hagardaamada maleegayey sida Bashiir Salaad, Ibraahiim Dheere iyo Cabdiraxmaan Shiikh Cumar.
Shiikh Umal ayaa isdifaacii uu galay waxay la gaartay in uu Shiikh Xasan Takar caayo oo uu ku Tilmaamo wax walba oo xun sida Ey, Diqsi, Cudur, Marad iyo Beenlow!!! Subxaanaka Haadaa Buhtaanun Cadiim, Ma Hadal Culimo baa sidaani Tolow!!!
Shiikh Umal ayaa ku inkiray Shiikh Xasan Maxamuud Takar in uu yiri, "Hadalo la wadwado ayaa waxa ay sheegayaan in Bashiir Salaad loo wado in lagu badalo Shariif Sh Axmed" Shiikh Umal ayaa oranaya mar uu Difaacayey Horjoogayaasha Masjidka Abu Bakar ee Maraykanka Sida La sheegay,, Anigu Ma joogin,, Waxaa la ii sheegay,, meel Aroosyada lagu Qabto sida ay ii sheegeen.
Oo Sow adigii hadda ka digayey Shiikh Umaloow arinkaas, mise adiga way kuu Banaantahay maadaama aad tahay Khawwaasta Umadda (Yacnii dadka Gaarka ah ee Qiimaha goonida ah ugu fadhiya Umadda) Waa Sida aad isku Tilmaamtaye.
Shiikh Umal oo aan ilaalin dhaqankii lagu yaqaanay Culumada markii ay Muxaadaro jeedinayaan ayaa u muuqday in uu isxakamayn waayey markii uu Kalmaddaan jeedinayey waxaana uu Shiikh Umal Sheegay in uusan taageerin duulaanka ay Kenya kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Waxaa la oran karaa Shiikh Umal isaga ayaa Muxaadaradaan iska qabtay oo isku radinayey, waxayna u muuqatay Muxaadaro Radinaysa isla asaga maadaama uu Shiikh Umal Dulmi iyo Been abuur weyn ku sameeyey Mujaahidiinta Soomaaliyeed, ka dib markii uu dusha ka saaray Mujaahidiinta wax ay Bari ka yihiin.
Shiikh Umal ayaa Shiikh Xasan Maxamuud Takar ku diidanaa arimo asaga naftigiisa uu samaynayo, Shiikh Umal ayaa yiri Shiikh Xasan takar wuu is amaanay, xilli uu Shiikh Umal asaguna is amaanayo oo isku tilmaamayo in uu yahay Khawaasta Umadda, Shiikh Umaloow anaga ayaa kugu tilmaamayna in aad tahay shiikhe ee bal adigu Tawaaduc la imow.
Shiikh Umaloow adigu ma iska Hubisay warkii laguu keenay ee ahaa Mujaahidintu waxay Xera Jarmal ku laayeen arday waxbarasho u socotay, Tathabut ma samaysay markii uu hadalkaas kusoo gaaray, Dhinac walbaa ma iska taagtay warkaas, ma hubsatay warkaas , waa adiga iskala Booday oo Mujaahidiinta ku dacniyey kuna tilmaamay in ay la mid yihiin Khawaarijtii dishay Cali Ibnu Abii Daalib RDC, Shiikh Umalow bal is dhagayso oo dib u raac hadaladaadii Shalay aad ku hadashay, ahawna midka ugu horeeya oo ku dhaqma waxa aad sheegaysid.
Shiikh Umaloow sow nacayb aad u qabtid Mujaahidiinta ma aha midka aad Minbar walbaa la taagan tahay Been Abuur iyo cayda Mujaahidiinta.
Shiikh Umaloow adigu hal shaqsi ayaad tahay, xattaa hadii lagugu xad gubo xad-gudubkaas adiga ku dhaafi maayo, laakiin ka waran marka aad Maalin walbaa Been ka sheegaysid Mujaahidiinta, oo aad Been Abuurka Cadowgu ay ku been abuuranayaan Mujaahidiinta aad ku dhisaysid Axkaam ayaga oo Mujaahidiintu Asal ahaan ay Bari Yihiin!!! Qawaacidda aad Soo taxday Shiikh Umalow kulli adiga ayey ku qabanayaan.
Shiikh Umaloow Beenta lagaaga soo sheego Mujaahidiinta maxaad Axsanul Maxaamil u saari weyday sida aad kula talisay Shiih Xasan Takar Xafidahullaah oo aad Mujaahidiinta ugu Cudur daari weyday marka aad Danigaaga iyo ismoodsiiskaaga wax ku dhisaysay.
Shiikh Umal ayaa Been ka Sheegay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka dib markii uu yiri "Mu'tamaraad Badan oo ay gaaladu Qabteen baa Saraakiisha Shabaab Qaar ka mid ah oo aad u sar-sareeya ay ka qayb galeen, markii ay Maxaakimtu Burbureen lagu qabtay Dalka Eretaria" Hadalkaan uu Shiikhu Sheegay ayaa Been cad ah, Dadka Muslimiinta ahi way ogyihiin in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si calan ah oo cad u qaadacday Shirarkii ka socday Asmara, waxana ay Xarakadu ka soo saartay Shirarkaas Bayaan cad, sidaas daraadeed hadii uu ula jeedo Shiikh Umal rag ku sirmay Shirka Asmara oo markii dambena ka toobad keenay xiligaasna aanba ka mid ahayn Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Walalaha kale waa arin sax ah laakiin uu Shiikh Umal Tadliis ku samaynayo.
Ragga uu Sheegayo Shiikh Umal waa rag Toobad keenay oo Dambigaas kasoo noqday lamana mid aha Ragga illa iyo hadda Ajandaha Qarsoon wata oo uu isku dayayo Shiikh Umal in uu Difaaco sida Bashiir Salaad iyo Cabdiraxmaan Shiikh Cumar , ???? ??? ????? ???????
Shiikh Umal oo ka digaya marka hore in Taargad laga Dhigto Culimada ayaa wuxuu weeraray oo Taargad ka dhigtay Shiikh Xassaan Xuseen Xafidahullaah.
Shiikh Umal ayaa soo hadal qaaday kulan dhexmaray asaga iyo rag ka mid ah Xarakada Al Shabaab mar uu tagay magaalada Muqdisho dood ku saabsan Suufiyada Soomaaliyana ay dhex martay, Haseyeeshee lama oga wax ka run ah hadalka Shiikha ee ku saabsan kulankaas sida uu u dhacay maadaama Shiikh Jaamac Cabdi Salaan oo aan ka mid ahayn Xarakada Al Shabaab kulankaasna goob joog ka ahaa uu kulankaas u sheegay si ka duwan sida uu Shiikh Umal Sheegay.
Shiikh Umal ayaa Daliishaday hadalo uu kasoo guuriyey wadaadka Shibile oo asagu caan ku ah Beenta iyo Been-abuurka lagu sameeyo dadka Muslimiinta.
Iskusoo Duuboo Shiikh Umal ayaa Kalimaddaan kusoo Aruuriyey Aflagaado, Cay, Hanjabaad iyo Goodin waxana uu u muuqday Shiikhu in uu si uun isku bari yeelayo, Cabsi badan iyo argagaxna ay ka muuqatay.
