Maxaa loo dilay Sheekh Dr. Axmed Cabdi Raxmaan Yaase lagu tuhmayaa?.
Salaadii Subax ka dib magaalada Bosaso ee gobalka Bari oo sannadyadii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo falal amaan ka soo horjeeda, ayaa lugu dilay mid ka mid ahaa culumada deegaanada Puntland aadka looga yaqaanay, gaar ahaana magaalada Bosaso, kaas oo ahaa Dr/Sheekh Ahmed Haaji Abdirahman, waxaana ilaa hada aan la garan karin cida ka dambeysay dilkiisa.
Shiikh Axmed Xaaji Abdirahman wuxuu ahaa nin si weyn looga dhex yaqaanay howlaha ka socda magaalada Bosaso, xalay oo udambeysay wuxuu aad uga hadlay arrimihii Suuqii ku gubtay magaaladaas iyo howlaha laga yeeli doono, isagoo si qoto dheer uga hadlay marxalado kala gedisan.
Shiikh Ahmed wuxuu ku booriyey bulshadii lahayd hantida in ay Allaah ka cabsadaan oo ay ku samraan dhibaatada soo gaartay, isagoo ku baaqay in loo gargaaro walaalihii hantidooda ku waayay musiibadii ka dhacday magaalada Bosaso.
Wadaadka wuxuu sidoo kale ahaa macalin soo saara Arday badan, wuxuuna Kitaabada ka akhrin jiray Masaajidyada kala gedisan ee magaalada Bosaso iyo Gaalkacyo oo uu ku imaan jiray Safar dacwadeedyo kala gedisan, isagoo dhawr Muxaadaro ku qabtay magaalada Gaalkacyo oo uu ku tagay safaro kala gedisan.
Allaha uraxmadee Wadaadku wuxuu ku jiray xubnaha ugu firfircoon ee dhanka soo saarida Jiilashada dhalinyarada ah, isagoo macalin Jaamacada Bariga Africa, oo si xoog ah lugu dhisay sannadkii 2001-dii, xiligaas oo uu diiday in la dhiso C/laahi Yuusuf oo ahaa wakiilkii Ashahaado la dirirka ah ee Puntland xiligaas.
Xalay ayuu wadaadku aad uga hadlay dabkii dhacay iyo waxyaabaha ku hareeraysan ee taagan, isagoo soo qaaday dambiyada lugu galayo magaalada iyo dadka masaakiinta ah ee saacad kasta lugu dhibayo mandiqadaas.
Dilalka lala beegsanayo culumada iyo Waxgaradku waxa ay caadi ka noqdeen Puntland, wixii ka dambeeyey sannadkii 2008-dii oo la dilay Waxgarad badan iyo Ducaad diimeed ujeedada loo dilay ay ahayd in aysan waxba ka fahsan xaaladaha ku teedsan deegaanka, taas oo ka dhalatay Howlgal ay soo saartay Hay
