Maxaa Faroole iyo Madaxyo-weynta Ictisaam isku Mowqif u Qaateen? Talo Xal ah oon Hayo! Qore: C/Waaxid Khaliif
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN: Allaha u naxariisto sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. Ehelladiisana beddel kheyr leh Allaha ka siiyo.
Horta waxaan is weydiin leh goormaa Faroole Ictisaam noqday? Maxaase Isaga, sheekh C/Qaadir Nuur, iyo Bashiir Salaad u dhaheen waxaa dilay Shabaab? Ilaahay wuxuu Qur'aanka ku leeyahay:
??? ??? ?? ??? ?? ?? ??? ?? ????? ?????? ??????? ?? ????? ??? ??? ??????
Horta arrintu waa ninkii sheega ma dhaafto! Haddaba sida cad; weli ehellada sheekhu ma caddayn cidda dishay! Hadday Ictisaam dhahaan: annagaa sheekha ehel u ah oo waxaan ahayn isku koox; taasi meesha ma taal oo markay dhiig noqoto waxaa weli loo yaqaan qofka dad u xiga! Xitaa haddii la soo qabto cidda sheekha dishay; dadka hadalka u furan yahay oo ama qisaasan kara gacan-ku-dhiiglaha ama cafin kara ama diyo ka qaadan kara waa qaraabada sheekha. Weli ma arag meel qaraabada sheekhu ku dhaheen waxaa dilay Shabaab! Keliya Faroole, C/Qaadir,
