WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN BUUG CUSUB (AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA)

Written by Maamul on .

Waa buug cusub oo lagu ururiyey suugaantii gumaysi-diidka ahayd ee la curiyey waagii gumaystayaasha. Waa gabayo, geeraarro, masafooyon, heellooyin iyo jiiftooyin lagu cabbiray xaalado murug badnaa oo soo maray umadda Soomaaliyeed. Abwaanno kala duwan, wakhtiyo kala duwan iyo deegaanno kala duwan ayaa laga soo min-guuriyey suugaantan. Waxa ugu  fac weyn suugaan la tiriyey 1891 oo ku beegnayd markii gumaysiga Talyaanigu soo caga-dhigtay xeebaha shabeellada dhexe. Sheekh Axmed-gabyow/Wacdiyow oo ahaa sheekh caan ahaa, haddana suugaanyahan ahaa ayaa isku deyey in uu af iyo addinba kaga hortago gumaystaha. Waxana ku jira suugaantiisii:


Soomaali aan u dagaalamaynaa,
Dalkaan balaaran u daafacaynaa,
Kufriga soo degay diida leenahay.
Kuwa dulmaaya la dood gelaynaa,
Dantiinii duul kale dhowrimaayee
Ha daalinoo u dulqaata leenahay (1891)


Waxana ugu dambeeyey Ibraahin Gadhle oo ka mid ahaa gobannimo doonkii Jabuuti. Bal u fiirso marka uu leeyahay:


Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaa kale eh
Aasiya ba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarane
Waagii iftiimaba kun baa, nalaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane  (1970-naadkii)



Labadaas abwaan waxa u dhaxaysa qiyaastii 80 sano. Dabcan in ka badan 80 abwaan oo wada halgamaa ahaana way u dhexeeyeen. Waxa ka mid ahaa ninka maansadiisa loo doortay ciwaanka buuggan oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil Baasarce (Barkhadcas) oo xaalkiisu ku soo ururay 1958dii in uu oohin miciinsado. Waakii lahaa:


Awoowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay adoonsaday
Ninkii anigana I iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey
Haddaan ogohoo-nan ka aarsan karayn
Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn
Asaag li'i baa ishaa i baddee
Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha (1958)


SIDOO KALE Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Xaaji Aadan Afqallooc, Muxumed Aw Cabdi Xaashi, Cali Xuseen Xirsi, Faarax  Cismaan Kowte, Cismaan Yuusuf Keenadiid, Yuusuf Xaaji Aadan, Cabdi-dhukane Xirsi, Cali-tuur Faarax, Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Guuleed Jucfe, Maxamed Nuur-laangadhe, iyo qaar kale ayaa raadkoodii suugaaneed ee guubaabada, hogatusaalaynta iyo xaq u dirirnimada haa laguugu kaydiyey buuggan.

Suugaanta ka sakow, wuxu buuggu xambaarsanyahay, rajo gelin, yaboohin halgamaa iyo aragti ku saabsan samatobixinta umadda Soomaaliyeed.


Magaca Buugga: AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Qoraaga: Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Tirada bogagga: 158 bog
Mawduuca buugga: Suugaantii gumaysi-diidka ahayd ee la tiriyey waagii gumaysiga
Sumadda buugga: ISBN: 978-91-976661-5-7
Xidhiidhka buugga: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 



Wixii intaas dheer nagala soo xidhiidh

Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


Comments (1)add comment

WalkerCara said:

0
...
Look here in order to get an excellent possibility to get good written essays and make a difference in your student’s career due to our professional essay writing service.
May 20, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy