Faroole " Dadka Koofurta inagaga yimid ha inaga baxaan".
Maamulka Bari ee dabahilifka u ah Itoobiya ayaa maanta amar ku bixiyay in dadka ka cararay deegaanada Koofurta dalka ee jooga Puntland in dib ay ugu laabtaan deegaanadooda, sababtana waxaa maamulku uu ku sheegay amaan darida ka taagan Puntland in ay dadkaasi ka danbeeyaan.
Shir saxaafadeed maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa madaxa maamulka Gobolada Waqooyi Bari C/Raxmaan Faroole waxaa uu ku amray maleeshiyaadkiisa in ay xoog kula wareegaan gaarigii la arko isagoo soo daabulaya dad ka soo qaxaya dhanka Koofurta dalka, waxaana uu digniin culus u jeediyay dadka ku sugan Puntland ee dadka keena.
Faroole ayaa xusay in waxa uu ugu yeeray kooxaha cadowga ku ah nabadda Puntland ay isku soo ekeysiiyaan barakacayaal ayna sidaasi ku soo galaan deegaanada Puntland, hayeeshee waxaa aanu soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya sheegashadiisa.
Culimada Al-Ictisaam ee ku sugan gudaha Puntland ayaa sharciyad siiya maamulka Faroole, waxeyna ka soo horjeedaan in dadka Soomaaliyeed ee ka soo qaxa koonfurta dalka aysan soo caga dhigan deegaanka Puntladn, laakin wali maaney soo saarin fatwo ay kaga hadlayaan Ciidamada ashahaada la dirirka ah iyo howlgalladooda ka dhanka ah ducaadda iyo ehlu kheyrka ah.
Dadweyne aad u fara badan oo ka soo jeeda dhanka Koofurta ayaa ku nool deegaanada Puntland, waxaana dadkaasi ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan ayaga oo aad mooddo in ay joogaan dal shisheeye oo kale, waxaana maamulka Faroole uu wali heystaa dhaqanadii qabyaaladda ee dadyowga ku nool inta badan Koofurta dalka ay iska laabeen, iyagoona ku walaaloobay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee aan ka jirin deegaanada Maamulka Bari.


